VIDEO: Duuliyihii Daallo Airlines oo warbixin naxdin leh ka bixiyay Garoonka Muqdisho

VIDEO: Duuliyihii Daallo Airlines oo warbixin naxdin leh ka bixiyay Garoonka Muqdisho

daajis.com:- Duuliyihiii Diyaaradii Daallo Airlines ee magaalada Muqdisho ka duushay 2-dii bishan laguna qarxiyay hawada, balse dib ugu soo celiyay garoonka ayaa xog laga naxo la wadaagay saxaafadda Caalamka wuxuuna wakaalada wararka ee AP u sheegay in nabadgelyada garoonka Muqdisho ay tahay EBER.

Duuliye Vlatko Vodopivec oo u dhashay dalka Serbia ayaa wareysi lagula yeeshay magaalada Belgrade, waxaana uu sheegay inuusan marna ka shakin in wax ku dhacay diyaaradda ay ahaayeen qarax.

“Markii aan dhaafnay joog dhan 10,000 feet waxaay dadku iska fureen xariga la isku giijiyo, waxayna shaqaalaha diyaarada bilaabeen inay dadka u adeegaan, markii aan dhaafnay 11,000 feet ayaa qarax u dhacay, markii hore waxaan u qaatay in dariishad ay burburtay, laakiin waxaan degdeg u dareemay urta qaraxa markii qiiq noogu soo galay qolka laga hago diyaarada”. ayuu yiri Duuliyaha Diyaaradda Daallo .

“Wax waliba waxay ku dhaceen si degdeg ah, isla markiiba waxaan dalbnayay inaan degitaan degdeg ah sameyno kuna noqono garoonka, taasina waxay ahayd xalka kaliya ee aan sameyn karay” ayuu markale hadalkiisa ku daray duuliyaha oo sheegay in nabadgelyada goobta ay ahayd mid hoose oo ay qaadaneysay in maalmo kale uu sii joogo.


Wuxuu sheegay haddii joog sara ay ku duuli lahaayeen in qasaaruhu intaas ka badnaan lahaa oo diyaaradu kala daadan lahayd, jooga hoose oo ay ku socotay diyaaradaha uu ka kaalmeeyay inuu si degdeg dib ugu celiyo garoonka.


Duuliyaha ayaa ku eedeeyay qaraxa diyaarada ammaanka garoonka oo liitay iyo wuxuuna ku sifeeyay nabadgelyada diyaaradda marka ay ka degto garoonka Muqdisho inay tahay meel fowdo ah.

“Nabdgelyada waa eber, markii aan diyaaradda halkaas ka degto 20 ilaa 30 qof ayaa yimid halkii diyaaraddu ku degtay, mana jirin cid heysata aqoonsi iyo dareyska shaqaalaha, waxay galayeen kana baxayeen diyaaradda, cidna ma garan karin waxa ay yihiin, wixii ay doonayaan ayay diyaaradda dhex dhigi kareen marka dadku ka degaan”.

Xogta uu bixiyay duuliye Vlatko Vodopivec ayaa muujineysa xaqiiqada ka jirta garoonka diyaaradaha Muqdishom oo ay xaqiiqo tahay is barbar yaac iyo nidaam darro weyn inay ragaadiyeen, waxaana looga fadhiyaa dowladda Soomaaliya inay saxdo xaaladda garoonka oo hadda wejigeeda uu xumeeyay falkii ugu dambeeyay ee qarxintii Daallo Airline. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada