Waa maxay sababta uu Gaas uga baaqsaday ka qeyb galka shirka Stanbul?

Waa maxay sababta uu Gaas uga baaqsaday ka qeyb galka shirka Stanbul?

daajis.com:- Hogaamiyaha Maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo shirka heerka sare ee arrimaha Soomaaliya oo maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga furmay 50 dowladood iyo ururo caalami ah.

Gaas oo ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu hore ugu socdaalay dalka Mareykanka, waana markii ugu horeysay ee shir noocaan oo kale ah ay Puntland ka maqnaato, waxaana la wada xusuustaa shirkii Brusells ee Puntland qaska ka abuurtay sanadkii 2013.

Sababta ugu weyn ee keentay in C/weli Gaas ka baaqsado shirka Istanbuul ayaa la sheegay inay tahay cadaadis uu ka cabsi qabo inuu uga yimaado beesha caalamka, kaasoo ku saabsan qorshaha doorashada 2016 ee dowladda Federaalka iyo beesha caalamka wada qaateen.

Wakiilada beesha caalamka, golaha ammaanka iyo dhamaan dalalka taageera Soomaaliya ayaa si buuxda u taageersan qaabka doorashada ee dowladda Federaalka qaadatay oo Puntland ay diidan tahay, waxayna tani weji gabax ku keeni lahayd C/weli Gaas oo door biday inuusan tegin Istanbuul, kana maqnaado sida Somaliland.

Wuxuu C/weli Gaas ka xishooday inuu sidii duqii xilka uga horeeyay isa soo mutaxo oo dalbado in loo ogolaado khubad uu ka jeedo shirka, mar haddii aanu waafaqsaneyn dowladda Federaalka sidii Faroole ka sameeyay shirkii noocan oo kale ahaa ee ka dhacay Brusells sanadkii 2013, markii loo diidayna uu iskiisa khudbad u jeediyay khudbad telefoonada mobiles-ka looga duubay, sidaasi ku helay libinta ah inuu shirkii khudbad ka jeediyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada