Cabdi Waal oo Laga soo Qabtay Dalka Kenya Laguna soo Wareejiyay Dowladda Federaalka

Cabdi Waal oo Laga soo Qabtay Dalka Kenya Laguna soo Wareejiyay Dowladda Federaalka

daajis.com:- Waxaa Soo Baxaya Warar Sheegaya in Ciidanka Nabad Suggidda Soomaaliya loo soo gacan galiyay, Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaano Cabdi Waal, kaasoo laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu muddooyinkan danbe ku sugnaa.

Wararkan oo ah kuwo horu-dhaca ah ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo siday cabdi waal ay maanta duhurkii ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo gacmaha ka jeebaysan.


Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, hadana waxaa la sheegayaa in Cabdi Waal lagu soo qabtay warqad ruqsad ah oo lagu soo xirayo, kaasoo dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya.

Cabdi Waal ayaa ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore, bartamihii sanadkii 2014 ayaa waxaa uu ka baxsaday Ciidamada Nabadsugida, kadib howl gal la doonayay in lagu soo qabto.
Wixii xilligaas ka dambeeyay waxa uu u baxsaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, isagoo mar uu la hadlay Warbaahinta sheegay inuu ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo oo dowladda Soomaaliya ay qaarijin rabtay.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa horay ugu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal amni daro oo Muqdisho ka dhacay, inkastoo uu beeniyay eedeymahaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada