Dooni Hub farabadan usoo waday Soomaaliya oo la qabtay

Dooni Hub farabadan usoo waday Soomaaliya oo la qabtay

daajis.com:- Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia awaxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaabo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47,  100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

Waxa uu tilmaamay in Hubkaasi lagu dhex qariyey Shabaagta Kalluumeysiga.
Qabashadda Hubkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay Hawlgaladda lagu fulinayo Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay Somalia, waxayna Maraakiibta Dagaalka ee Australia qeyb ka yihiin Maraakiibta Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Argagixisadda iyo Ka-hortagga Hubka iyo Daroogadda ee lagu soo qariyo Doonyaha isticmaala Badda Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada