Sheekhii AL Shabaab u Qaabilsanaa Buuraha Galgala oo Magangalyo Siyaasadeed Helay

Sheekhii AL Shabaab u Qaabilsanaa Buuraha Galgala oo Magangalyo Siyaasadeed Helay

daajis.com:- Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa buuraleyda galgala Sheekh Maxamed Saciid Atam oo kamid ahaa Horjoogayaashii ka goostay Kooxda Al-shabaab ayaa magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Qadar.

Sheekhan ayaa Kooxda Alshabaab wakiil uga ahaa deegaanada Puntland, Wuxuuna sanadkii 2012 ku biiray Al-Shabaab isaga oo markaasi ka helay dhaqaale uu ciidankiisa ku abaabulo.

Atam ayaa mar kale sheegay inuusan xubin ka aheyn Kooxda Alshabaab islamarkaana uu xili hore isaga baxay isaga oo isku soo dhiibay Dowlada Soomaalia.
Maxamed Saciid Atam ayaa Kooxda Alshabaab ka baxay dhex bartankii sanadkii 2014-ka, waxa uuna hada ku sugan yahay dalka Qadar oo uu u dhoofay bishii tagtey ee Feberaayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in magangalyada uu ka helay Qatar ay qeyb ka aheyd heshiis horay loola galay inta uusan dowladda isu dhiibin ka hor.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada