daajis.com:- Raga Iyo Dumarka illaah baaa isku beeray dhexdoodana naxariis iyo kalgaceyl ku beeray, dumarku waxeey jeceylyihiin wixii niyadooda ku jiro in laga haqab tiro, waxeey aad ugu nugulyihiin in aay ragooda ka helaan wixii aay ku hamiyaan haba ahaadeen wax aan sidaa u mug weeyneyn..
Dumarka waxaa guntooda gaari karo oo aay aad usii jeclaadaan ninka keliya aay ka helaan qodobadaan aan hoos kuxusi doono haduu EEBE idmo..
A: Dumarku waxeey aad ugu dabacsanyihiin ninka ugu sheekeeyaa inta uu ka maqanyahay wixii uusoo qabanayay, waayo dumarku waxaa isla daashaday wax usheegida shakiga iyo sheeydaanka, intaad ka maqantahay waxey kugu sugeeysaa waa shaki, waxeey aad ugu dhago raariciyaan ninka inta uu ka maqanyahay wixii uu soo qabanayay ugu sheekeeyo, waxeeyna ka qaadaan kalsooni raad xoogan ku reebto quluubtooda.
E: Dumarku waxeey aad u jeceylyihiin ninka ku dadaala inuu ka haqabtiro howsha sariirta, sida aad u jeceshahay in adigaba aay kaa haqabtirto ayey ayaduna u jeceshahay, haqabtiradada oo yaraatana waxeey halis u tahay burburka qoyskaaga.
I: Dumarka intooda badan waxeey ka saminyihiin ineey aad u jeceyl yihiin ninka inee ka dareemaan inuu dartooda isku nadiifinayo, dhar bilicsan xidhanayo, cadayga si fiican u isticmaalayo, iyo inuu iska xiiirayo timaha ku batay meel walbo haba ku yaalaane, waa hubaal in dumarku jeceylyihiin ineey arkaan ninkooda oo dartood isku hagaajinayo iskuna qurxinayo.
O: Dumarku waa maareeyaha guriga waxeey aad u jeceylyihiin maareyntaasi ninkii la qabto oo howlaha la fududeyo, haba u yaraadeen dharka la dhaqi rabo inuu hal meel iskugu keeno qaasatan dharkiisa iyo dharkeedaba.
U: Marwadu waxeey jeceshahay ninka naxariista badan ee ka damqada xiliga aay caawinta u baahantahay, dareensiiyana inuu garab taaganyahay, dumarku naxariista iyo garab istaagida joogtada ah ninkee ka helaan asagana wuxuu ka helay inuu hooy dhidibo adag ka dhistay quluubteeda.
Intaasi iyo in kabadanba dumarku waxeey jeceyl yihiin ineey ka helaan ragooda weliba si joogto ah oo aan laheyn kala go.
Maanta waxaan ka hadalnay nimanka sidee usoo jiidan karaan haweenkooda, haduu EEBE idmo waxaan ka hadli doonaa qormada maalinta beri ah xiliga haasaawaha lamaanaha aan is qabin qodobadee isku soo jiidan karaan kuna abuuri karaan jaceyl xoogan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at