Ilaa 12 Qarax oo maanta ka dhacay Baardheere

Ilaa 12 Qarax oo maanta ka dhacay Baardheere


daajis.com:- Sida uu sheegay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Baardheere, illaa 12 miino ayaa saaka ku qaraxday magaalada bartameheeda.

Laba miino oo kalena waxaa soo saaray ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaaladaasi. Sida la sheegayna hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, askeri ka tirsan ciidamada Itoobiyana wuu ku dhaawacmay qaraxyada.

Salaad Maxamud Xasan oo ah taliyaha booliska ee Baardheere waxa uu BBC-da u sheegay in weerarka lala eegtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi.

Qofka shacabka ah ee dhintay ayuu ku sheegay, cunug yar oo dugsi quraan dhiganayay. Wuxuuna intaa raaciyay in ugu yaraan 20 qof ay u qabteen dhacdadaasi welina ay baarayaan.

“Dadka waan baareynaa qofkii lagu waayo dembina waan siideyneynaa” ayuu yiri Salaad Turuq, taliyaha saldhigga booliska ee Baardheere.

Sida dadka deegaanka ay BBC-da u sheegeen, qaraxyada kaddib ciidamadii la bartilmaameedsaday waxay fureen rasaas.
Goobaha la qarxiyay waxaa kamid ah meelo ay ciidamada difaac ka geli jireen. Gaari booyad ah oo biyaha u qaada ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale la qarxiyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada