Ilaalada xabsiga uu ku jiro Guzman oo u diiday hurdada(Sawiro) from by mahad

Ilaalada xabsiga uu ku jiro Guzman oo u diiday hurdada(Sawiro) from by mahad

daajis.com:- oaquin Guzman oo ah nin ka ganacsan jirey muqaadaraadka oo ku xiran xabsi ku yaal dalka Mexico ayaa qareenka u doodaya waxa uu ka codsaday dowlada Mexico in ay si degdeg ah ugu wareejiso ciidamada dalka Maraykanka.
Qareenka Jose Refugio Rodriguez ayaa sheegay in ninka sida weyn loogu yaqaan El Chapo uu u sheegay in uu la hadlo dowlada Maraykanka si loogu wareejiyo xabsi gaabana loogu xukumo lana geeyo xabsi ilaaladiisa ay meel dhexaad tahay.

Rodriguez ayaa u sheegay Radio Formula Arbacadii inuu Talaadadii la soo dhaafay uu la soo hadlay Guzman isagoo ku jira xabsi ku yaal Galbeedka Mexico xabsiga Altiplano.

“Wuxuu gaaray heerkii ugu dambeeyay.”Rodriguez ayuu yiri.”Waa fal quusasho ah.” Safaarada Maraykanka ayaa ee magaalada Mexico City ayaa diiday inay ka hadasho la wareegida maxbuuskan.

Qareenada Guzman ayaa hore waxa ay u sheegeen in u dagaalami doonaan sidii ay ugaga horjoogsan lahaayeen in loo wareejiyo Guzman dalka Maraykanka, balse waxa ay mas’uuliyiinta dowlada Mexico ay sheegeen in ay qaadan karto muddo hal sano ah ama kabadanba sidii loogu wareejin lahaa El Chappo dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Rodriguez waxa uu sheegay in ku dhamaan karto muddo labo bilood ah ku wareejinta dalka Maraykanka haddii uu Guzman ka haro sagaal racfaan oo uu ka qaatay dambiga loo haysto.
Mas’uuliyiin u hadashay ilaalada xabsiga Altilplano ayaa sheegay in afartii saacadoodba mar la toosiyo Guzman si loo hubiyo inuu ku jiro xabsiga. Waxana uu Guzman ka baxsaday xabsigan bishii July sanadkii hore hase yeeshee waxaa la soo qabtay bishii Janaayo ee sanadkan. Baxsashada Guzman ayaa ahayd mid la yaab leh waxana uu ku baxsaday god dheer oo ay asxaabtiisa soo qodeen kaasoo ugu dambeyntii la keenay suuligiisii halkaas oo uu ku baxsaday.
Sidoo kale looma oggola in dad badan ay soo booqdaan, qareenkiisa oo arrintaa ka hadlayana waxa uu sheegay in uu isdhiibay haatan uuna noqday nin laga badiyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada