MadaxWeyne Xasan Sheekh oo Amniga Muqdisho ku Wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka (VIDEO)

MadaxWeyne Xasan Sheekh oo Amniga Muqdisho ku Wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey barnaamijka wadashaqeynta gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ee xoojinta amniga caasimadda.

Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyeyaasha ciidammada gobolka, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.


“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow caalami ah oo khatar ku ah amnigeena iyo jiritaankeena. Cadowga Al Shabaab ee aan la dirireyno wuxuu haatan hadafkiisu yahay xasuuqa shacabka, taana waxaa daliilu ah ficiladooda ay sida arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir u wajahna, dadaalkeenanan meel isugu geyna’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, balse ay tahay arin horey qaanuunka ugu xusneyd oo haatan si wanaagsan loo qeexay, isagoo sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan, wixii hadda ka danbeeyana Amniga Muqdisho Lagu ogyahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in go’aamadii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo wax ka taraya xoojinta amniga magaalada Muqdisho.


Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wiilashii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidammada amniga ee ku dhintey weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad diidka ay ka fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhado difaacayey shacabka iyo qaranimada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada