Ninayhoow Arimahaan Ka Fogoow Si Jaceylkaada Uu U Guuleysto .

Ninayhoow Arimahaan Ka Fogoow Si Jaceylkaada Uu U Guuleysto .

daajis.com:-Xiriirkasta wuxuu leeyahay dhibaatooyin dib u dhiga,laakin waxaan dhamaanteena sameynaa waxyaabo abuuri kara isku dhacyo aan qiimo laheyn ama aan istaahilin in leysku qabsado.
Haku fekerin inaad waxwalbo taqaan.

Laga yaabe inaad jawaabo u heysto waxa laga hadaayo,laakin hadii aad joogteyso inaad ka dhexgasho ninkaaga wax walbo uu rabo inuu sheego adigoo ku tilmaamaya in fikirkiisu qaldan yahay waxey ku ridaa inuu niyadjabo. Qof walbo inuu fikradiisa soo bandhigto xitaa hadii aysan adiga taada u dhigmin.
Sidaa daraadeed ka fogow inaad ku fekerto inaad adiga tahay qofka waxwalbo yaqaano,arintaas lamaanahaagu wuxuu u arkaa caburin.Inaad qof saxdo markuu qaldan yahay waa mid,laakin inaad farageliso qof fekerkiisa iyo sameynta waxyaabo ka hor istaagi kara qofka ra’yigiisa waa qeyb ka mid ah caburinta.
La xiriirid la’aanta.
Waa inaad u sheegto qofka nolosha aad wadaagteen hadii ay jiraan wax aad dhib u aragto ama ay jiraan arimo adiga ku quseeya oo aad la murugeysan tahay,intii aad qarsan laheyd ama aad ka rajeyn laheyd asaga inuu iskiis u ogaado. sida aad adiga u dooneyso inaad u ogaatid waxa uu la murugsan yahay. waa hadii aad rabtid inuu xiriirkiina sii jiro. Weydii waxa socda kala dood dhibaatooyinka ka jira xiriirkiina,marwalba ma fududo arimahaan,laakin hadii aad sidaan sameyso waxey kuu sahleysaa inaad aad ugu dhawaatay lamaanahaaga.Kala duwanaanta waxyaabaha aad qarineyso wey idin kala geysaa.
Waxwalbo adiga keliya ha sameyn
Wey fududahay in dabin lagu dhaco,waayo xitaa garwaaqsiga inaad si aad ah u sameyneysid,laakin fiiri naftaada marka aad la hadleyso lamaankaaga,hadii aad doodkasta u bedeleyso mid adiga kuu gaar ah isku day inaad xakameyso dabcigaas.

Xiriirada waxaa la siiyaa ama loo qaataa si isku mid ah,sidaadaraadeed ka fogow inaad keligaa qaadato awoodaha idinka dhexeeya ee aad mideysseen,hadii kale waxey noqoneysaa in meeshaas qof lagu dulmay oo xaqiisii la duudsiiyey.

source:alcarabiya
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada