Burcad Badeede Soomaaliya oo Laga Cabsi Qabo inay Mar kale Soo Rogaal Celiyaan

Burcad Badeede Soomaaliya oo Laga Cabsi Qabo inay Mar kale Soo Rogaal Celiyaan

daajis.com:- Qaar kamid ah qabiirada dhanka badda ayaa sheegaya iney ka cabsi qabaan inay marlabaad soo laaban karaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, waxayna ka digeen qatar ka dhalata weeraro kale oo kooxaha burcad badeed ay soo qaadaan.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la sheegay ineysan wali idlaan weeraradii ay geysan jiraan balse hoos u dhac weyn laga dareemayo dhaqdhaqaaqii ay ka sameyn jireen xeebaha dalka Soomaaliay iyo goobaha ka baxsanba.


Ciidamada ilaalada caalamiga ee la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda ayaa sheegaya in burcada aysan geysan weeraro sanadihii ugu dambeeyay, laakiin taasi aysan la micno aheyn iney joojiyaan qatarihii burcad badeeda.
Kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa gacantooda gashay malaayiin doolar oo ay ka qaadeen maraakiibtii ay afduubteen madax furasho ahaan.

Agaasimaha hayada arimaha burcad badeeda ee laga leeyahay dalka Mareykanka (Oceans Beyond Piracy) ayaa sheegaya in wali laga baqayo iney soo rogaal celin karaan kooxaha burcad badeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada