Daawo:- C/raxmaan Faroole oo ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa Madaxweynaha Somalia

Daawo:- C/raxmaan Faroole oo ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa Madaxweynaha Somalia

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garowe, isagoo sababta uu isu sharxay ay ku dhaladay markii la saxiixay heshiiska nidaamka 4.5, arintaasina uu wax ka qaban doono haddii la doorto.

Faroole ayaa sheegay in uu umadda ku dhaqi doono si daacad ah, isagoo ku faanay inuu yahay wadaad ah oo maanta koox gaar ah lagu tirin karin, dalkana gaarsiin karo nidaamka federalism-ka, isagoo dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay taageeraan.
C/raxmaan Faroole oo aan la gamban damacyada qabaliga ah, oo ku caanbaxay warxumeynta iyo cadaawada uu u qabo dadka Koonfur gaar ahaan Muqdisho oo uu u arko inay tahay magaalo bahalo galeen ah, waxana dadka isweydiinanayaan nin ceynkaasi ah siduu bulshadaasi ugu caddaalad fali karaa.
Faroole wuxuu horay u eedeyn jiray dowladdii KMG ah ee Shariif Sh. Axmed iyo tan hadda jirta ee Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay isagoo dastuurka qabyo qoraalka wuxuu su’aal geliyay Maqaamka Xamar ee caasimada Somalia, isagoo dano qabali difaacayo.

Faroole iyo inta la saanqaadaysa ayaa waxaa waxgarad badan ku tilmaamaayaan inay caqabad ku yihiin howlaha loogu adeegayaayo amaanka, midnimada iyo wadajirka qarameed ee Soomaaliya, heshiiska Garowe lagu gaarayna doonaya inay hadal geliyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada