daajis.com:- Waxaa goor dhow fiidkii caawa qalinka lagu duugay heshiiskii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Puntland ee qaabka doorashada Soomaaliya iyo qodobo kale oo mustaqbalka siyaasadda iyo arrimaha dastuurka qeexaya. Waxaana saxiixay Ra’iisul Waasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.
Heshiiskaan oo doodiisa mudo todobo maalmood ka socotay Garowe ayaa caawa lasoo af-jaray, waxaana goob joog ka ahaa saxiixa heshiiskaan, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, M-Keiting, Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya, Ergayga Midowga Yurub, Ergayga Midowga Africa ee Somalia, Wakiilka IGAD iyo xubnaha guddiyo ah oo ka kala socday Dowladda iyo Puntland.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:51 and have
, Published at