DAAWO: Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo Geeriyooday iyadoo ay Socoto Ciyaartii (VIDEO)

DAAWO: Ciyaaryahanka Patrick Ekeng oo Geeriyooday iyadoo ay Socoto Ciyaartii (VIDEO)

daajis.com:- Patrick Ekeng oo ah Ciyaar yahan ka soo jeeda dalka Cameroon ayaa waxa uu geeriyooday xilli uu ciyaaraayay ciyaar dhexmaraysay horyaalka dalka Romania.

Patrick Ekeng oo Ciyaarta iyadoo socota bedel ku soo galay, ayaa wuxuu ciyaaray 7 daqiiqo oo kaliya, kadibna mar kaliya ayuu miir daboolmay oo uu istaaga ka dhacay.


Dhaqaatiirta qaabilsan dhanka caafimaadka Ciyaartoyda ee Garoonka ku sugneyd ayaa durba soo gaaray Patrick Ekeng, hayeeshe marki ay hubiyeen ayeey xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Patrick Ekeng oo Ciyaartooy laacib ah ayaa la sheegay markii uu kubadda Ciyaaraayay inaysan jirin ruux kale oo ay isku dhaceen ama jug ka soo gaartay.

26-jirkan dhintay isaga oo Kubadda Ciyaaraya ayaanan aheyn Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee geeriyooda xilli kubadd ay socoto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada