daajis.com:- Ciidanka Kumaandooska Somalia, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa saakay weerar qorsheysan ku beegsaday deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Howl-galkan ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah.
Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab, Sidoo kale Ciidammada huwanta ayaa kusoo furtay weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at