Maxkamad ku taal Brazil oo si KMG ah u hakisay isticmaalka WhatsAPP-ka

Maxkamad ku taal Brazil oo si KMG ah u hakisay isticmaalka WhatsAPP-ka

daajis.com:- Maxkamad ku taal dalka Brazil, ayaa si KMG ah u hakisay isticmaalka adeega WhatsAPP, maxkamada ayaa sheegtay in xayiraadaan ay socon doonto mudo 3 maalmood ah.

Xayiraada ay maxkamada ku soo rogtay Adeegan ay inta badan bulshada caalamka ku wada xiriiraan, ayaysan wax faahfaahin ah ka bixinin, waxeyna ku gaabsatay in ay dacwadi ka taal uun.

Xayiraadan ayaa durbaba saameeysay 100 Milyan ruux oo ku nool dalka Brazil.

Dadka shacabka ah ee ku Nool Brazil, ayaa durbaba dagaal ka bilaabay baraha bulshada kale, sida Facebooka, iyo Twitterka, iyagoona Doowlada ku eedeeyay tallaabada ay qaaday maxkamada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada