Sadiq Khan oo jawaab kulul siiyay Donald Trump

Sadiq Khan oo jawaab kulul siiyay Donald Trump

daajis.com:- Duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan, ayaa si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray ninka u sharaxan inuu noqdo madaxweynaha soo socda Mareeykanka Donald Trump.

Donald Trump, ayaa shalay ka dhawaajiyay in Sadiq Khan uusan ku jirin Muslimiinta uu ka mamnuuci lahaa Mareeykanka hadii isaga la doorto, balse Sadiq khan, ayaa sheegay in Muslimiinta oo dhan ay iskumid yihiin, islamarkaasina uu aqbaleen in la kala sooco.

“Tani maahan mid aniga uun i quseysa, waa mid quseysa aniga,saaxiibadeey, qoyskeyka iyo dhamaan Muslimiinta” ayuu yiri Sadiq Khan.

Mr Khan, ayaa ka digay in aragtida Tump, ay tahay mid khatar ku ah amaanka Mareeykanka iyo Ingiriiska.

“Hadii uu wax wanaagsan sameeynayo waa inuu badelaa fikirkiisa ku aadan Muslimiinta iyo soo galootiga” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Sadiq Khan, ayaa sidoo kale sheegay inuu taageersanyahay Mss Hilarry Clinton, oo ah musharaxa xisbiga Dimoqraadiga.

Maxeey uga dhigantahay dadka Muslimiinta ee ku nool Mareeykanka hadalka Trump?
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada