daajis.com:- Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Gudi baaritaan loo xil saaray wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowlada ay jir dil u geysteen maxaabiis ku xiran Xabsiyada Dowladda.
Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in gudigaasi ay baaritaan ku sameyn doonaan jir dilka loo geystay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed ee jir dil loogu dhex geystay Xabsiga.
Waxa uu sheegay in gudigaani la magacaabay ay ka kooban yihiin xubno u kuurgali doona Jir dilka, waxa uuna intaa ku daray in Gudiga ay kamid yihiin masuuliyiin ka socda wasaaradda cadaaladda.
“Dowladu guddi ayey magacowday, waxey gudigaan ka shaqeyn doonaan muuqaalka la baahiyey iyo waxa kajira, wixii baaritaanka kasoo baxa waan la wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeey” ayuu yiri C/kaamil Macalin Shukri.
Sidoo kale afhayeenka wasaarada amniga waxa uu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyey saraakiil ka tirsan waaxda baarista ee NISA kuwaas oo falkaan lala xiriiriyey, isagoo xusay in saraakiil kalena la magacaabay.
Wasaarada Amniga ayaa sheegtay in Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyay ay ciqaabi doonaan hadii ay ku soo baxdo Jirdilka la sheegayo inay geysteen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at