Wafdi ka Socda Dalka Maraykanka oo Maanta soo Gaaray Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Wafdi ka Socda Dalka Maraykanka oo Maanta soo Gaaray Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.


Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wafdiga Mareykanka Kala hadley dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub, haatanna baarlamaanka uu ka shaqeynayo sharciyadda nidaamka doorashooyinka ee 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa Mareykanka uga mahad celiyay taageerada iyo iskaashiga wanaagsan ee ay Soomaaliya la leedahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada