Daawo:- Golaha wasiirada Somalia oo Ansixiyey inay Dumarku Guursan Karo Dumar, Culimada iyo waxgaradka Muqdisho oo Kacay

Daawo:- Golaha wasiirada Somalia oo Ansixiyey inay Dumarku Guursan Karo Dumar, Culimada iyo waxgaradka Muqdisho oo Kacay

daajis.com:- Hey’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeesatay sharci dhowaan ay soo saartay Wasaarada Haweenka xukuumada Soomaaliya kaasi oo ku saleysnaa sharciga JINSIGA, iyadoo dhowaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxayna Culimadu sheegeen in sharcigaas qodobada qaar ee ku jira ay ka soo horjeedaan Diinta Islaamka, waxaana ka mid ah inay Dumarku guursan karaan Dumar Kale, Ninkuna uu guursan karo Nin.


Nabadoon Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa ku baaqay in xukun lagu Rido dadka Sharcigaasi soo saaray, si loo dilo, Wuxuuna sheegay inayna maanta Jirin Dawladnimo, “Wax dila waa la helayaa, oo Shacabka ayaaba dilaya, Abaal Marin waxaa u noqon doonta inay cararaan, Iyaga iyo Shisheeyaha u diyaariyey”.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, ayaa wuxuu sheegay inuu Sharcigan yahay mid gef ku ah Shareecada Islaamka, Wuxuuna dumarka usoo jeediyey inay Iimaasadaan Xilka ay hayaan, Waalidkood, Walaalkood iyo Wiilkooda, Wuxuuna ugu danbayntii soo jeediyey in dalka Hogaan adag loo raadiyo oo ka saara Marxalada maanta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada