daajis.com:- Dalalka soo saara shidaalka waxay la daalaa dhacayaan qiima dhaca ku yimi wax soo saarkoodii, taas oo si weyn u saamaysay dhaqaalahooda.
95Bilyan oo doolar ayey is dhintay miisaaniyada boqortooyada Sucuudiga, halka dhaqaalihii Venezuela gebi ahaanba burburay dadkuna safaf dhaadheer u galaan sidii ay u hali lahaayeen cuntooyinka daruuriga ah.
Qiimaha shidaalka ayaa gaaray July, 2014 115$ ka hor intii aanu si xawli ah hoos ugu dhicin, Isagoo gaaray bishii koowaad ee sanadkan halkii ugu hoosaysay mudo tobonaan sano ah 28$.
Soomaaliya oo 100% shidaalka laga isticmaalo dibada laga soo dejiyo waa u farxad iyo horumar dhaqaale in qiimaha shidaalku xadi intaas le’eg hoos u dhaco.
Tvga Aljazeera ayaa Muqdisho ka soo diyaariyey warbixin uu ku eegayo sida Soomaalidu u mahadiyeen hoos u dhaca qiimaha shidaalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 05:30 and have
