Wasiirka Waxbarashada oo Maanta lagu Wareegay Xilkii (VIDEO)

Wasiirka Waxbarashada oo Maanta lagu Wareegay Xilkii (VIDEO)

daajis.com:- Wasiirka dhawaan la magacaabay ee Wasaaradda Waxbarashada Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.


Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkii kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada iyo aqoonta dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada