daajis.com:- War Hadda soo dhacay ayaa shegaya in Dowladda Uganda oo ah dawladdii ugu horeysay ee Soomaaliya keenta Ciidanka Amisom ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala soo bixi doonto dalka Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka.
Hadalkani ayaa soo baxay kadib markii ay kulan dheer yeesheen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musseveni iyo Saraakiil sare oo ka socotay midowga Yurub, Kulan kani la’isku mari waayay ayaa waxa uu maalmihii u danbeeyay ka socday magaalaga Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Dowladda Uganda ayaa aad uga carootay kadib markii ay wada tashi la’aan ay Midowga Yurub go’aansaday in uu 20% ka jarto lacagtii uu siinjiray dalalka ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidanka dalka Uganda oo isagana goobta kahadlay ayaa sheegay, in iminka la soo gaaray waqtigii madaxda Soomaaliyeed ay iska dayn lahaayeen is qab-qabsiga siyaasadda ee aan hor’usocdka lahayn oo ay u tafaxaytaan sidii dalkooda ay hor’umar u gaarsiin lahaayeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at