daajis.com:- Shacabka ku nool wadanka Britain ayaa maanta lagu wadaa in ay u dareeraan goobaha codbixinta si ay ra’yigooda uga dhiibtaan go’aanka ku aadan in Britain ay isaga baxeyso ka sii mid ahaanshaha Ururka Midowga Europe iyo in kale.
Mowqifkaan oo ay si aad ah ugu kala qeybsan yihiin Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka UK iyo dadka shacabka ah ee wadankaasi ayaa la filayaa in maanta laga gaaro go’aan kama dambeys.
Xisbiga muxaafidka ah ee haya talada wadanka Britain uuna ka tirsan yahay Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa ugu baaqay shacabka in aysan taageerin ololaha ku aadan in Britain ay macsalaameyso Ururka Midowga Europe.
Hase ahaatee Xisbiga Mucaaradka Britain ugu weyn ee Shaqaalaha ayaa dhankooda waxa ay si weyn ugu xusul duubayaan in wadankooda uusan ka sii mid ahaanin Ururkaasi ay ku jiraan ilaa 28 wadan oo ku yaalla qaaradda Europe.
In ka badan 46.5 million oo shacabka Ingariiska ayaa isku diiwaan galisay in ay codadkooda ka dhiibtaan aftida qaran, waxaana tiradaasi aadka u badan ay muujineysaa sida ay shacabka dalkaasi u saameyneyso arrinta ku saabasan go’aanka laga qaadanayo Yururb inteeda kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at