daajis.com:- Go’aankii dalka Ingariiska uu qaatay ee ahaa inuu isagabaxo dalalka Midowga Yurub, ayaa waxa ay saamayn xoogan ku yeelatay lacagta geniga Istarliinka ee dalka Igariiska, lacagtani ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac aad u baaxad weyn markii la shaaciyay natiijada Aftidii la qaaday.
Hadaba Hoos u dhacani ku yimid lacagta dalka Ingariiska ayaa waxaa si aad ah looga dareemay dalka Soomaaliya siiba dadka lacagaha ka hela eheladooda ku nool dalkaasi Ingariiska.
Wariyaha oo makarafoonka la dhex qaaday qaar ka mid ah dadka lacgaha looga soo diro dalka Ingariiska, ayaa sheegaya inay hoos dhac xoogani ka dareemeen dhanka jeebka, oo meeshii ay ka helijireen 300 oo dollar ay hadda helaan lacag intaasi kayar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have
