Video: Garaad Jaamac Garaad Cali oo Sirculus ka sheegay colaada koonfurta gobolka Sool

Video: Garaad Jaamac Garaad Cali oo Sirculus ka sheegay colaada koonfurta gobolka Sool

daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool kulan ku qabtay Ergo ka kooban waxgarad iyo Culimo  oo istaagay xaalada Colaadeed ee Gobolka Sool iyo Garaadka Guud ee Beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, Kuwaasi oo beelaha wada dhashay ugu Baaqay Nabad iyo wada Noolaansho.


Garaad Jaamac oo kulanka hadlay ayaa wuxuu sheegay inaan labada beelood cid isku dhaamin, Wuxuu sidoo kale ka hadlay sida looga gaabiyey in la baajiyo dhiiga daatay, Wuxuuna ugu baaqay inay nabad ku wada noolaadaan.

Dhinaca kale Garaadka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday Sir Culus oo la xidhiidha dagaalka ka taagnaa Gobolka Sool, Wuxuuna sheegay in ciidamada maamulka Somaliland ay labada dhinac isku Basaasayeen, Iyagoo marba beel u sheegaya halka ciidankii beesha kale joogto, Wuxuu sidoo kale fariin u diray Waxgaradka iyo Odayaasha Beelaha Isaaaq.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada