daajis.com:- Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari ay saaranyihiin Hub iyo Walxaha Qarxa, kaas oo Al-shabaab ay dooneyseen in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Radio Muqdisho u sheegay in gaariga la qabtay ay saarnaayeen xabadaha Baasuukaha, Laba qori oo AK47, ah Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo in uu dadka waxyeello baahsan gaarsiiyo iyo qalab kale oo ay u adeegsadaan qaraxyada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:30 and have
