MAreykanka Dhalinyaro Soomaali ah oo Masjidka u socday oo la weeraray (Video)

MAreykanka Dhalinyaro Soomaali ah oo Masjidka u socday oo la weeraray (Video)

daajis.com:-  Shan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u Socotey Masaajidka ayaa waxaa la sheegay inay rag Cadaan ah oo Hubeysan ay ku weerareen magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka ayadoona ay halkaas ku dhawacmeen laba ka mid ah Soomaalidaas

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaareyso 5 qofood oo ku Labisnaa Qamiisyo ayaa waxaa la sheegay inay fal Cunsurinimo ah ay kala kulmeen kooxo Cadaan ah oo hubeysan.

Dhalinyaradaan oo ku socotey Masaajidka lagu magacaabo Abubakar As-Saddique ee ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka xilli dambe oo habeenkii ah si ay ugu soo Cibaadeystaan bisha Ramadaan ayaa baabuurkii ay wateen waxaa soo abaaray rag Cadaan ah oo hubeysan oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 2 qofood kuwaas oo halkaas ka bilaabay inay aflagaadeeyaan Muslimka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada