Tony Blair: Maalin kasto ayaan Quraanka aqriyaa

Tony Blair: Maalin kasto ayaan Quraanka aqriyaa

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair, ayaa sheegay “in caqiidada Islaamka ay tahay mid aad u qurux badan, sidoo kale wuxuu sheegay in Nabi Muxamad SCW uu ahaa awood ilbaxnimo oo xoog leh”.

Tony Blair, ayaa sheegay inuu maalin walbo aqriyo Quraanka Kariimka islamarkaasina uu ka bartay cilmi aad u badan, sida arimaha ku saabsan Guurka, Dumarka iyo axkaamta.

Mr Blair, wuxuu sheegay in intii uu Quraanka aqrinayay uu fahmay in kooxaha hada jira ee Jihaadiyiinta ah, ay iyaga si qaldan u fasirteen Quraanka, islamarkaasina Quraanka uusan ahayn mid qeexaya in Seefta kaliya la xambaarsanaado, balse sidoo kale Nabada uu baraarujiyo.
Charie Blair, oo ah Gabar la dhalatay Tony Blair, ayaa Bishii October ee sanadkii hore qaadatay Diinta Islaamka, waxeeyna sheegtay ineey ogaatay in Diinta Islaamka ay tahay tan muqadaska ah oo saxda ah.

Xigasho: DailyMail


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada