daajis.com:- Ciidamada amniga Puntland ayaa maalintii shalay Xasbiga u taxaabay 6 nin oo laga dhex qabtay shir madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo bulshada Galkacyo kulahaayeen xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.
Dadka la qabtay ayaa Puntland waxay sheegtay inay basaasiin u ahaayeen maamulka Galmudug, oo ay qorsheynayeen inay dil gaystaan, waxaana Xubnahan la qabtay xilli nasasho yar galeen mas’uuliyiinta iyo shacabka Shirayay, waxaana lagu eedeeyay inay basaasayeen xogaha ay isweydaarsanayeen dowladda iyo bulshada degmada Galkacyo.
Hadaba Puntland ayaa xoriyayadoodii siisay Lixdaa Nin oo la sheegay in Galmudug ay soo dirsatay kuwaas oo laga qabtay Hoolka GECPD oo Madaxwaynaha Dawladda Puntland uu kula shirayay Bulshada magaalada Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa xaqiijiyay siidaynta raga la tuhmay, waxaana la sheegay in lagu waayay eedayntii loosoo jeediyay ee ahayd inay Galmudug kasoo Jeedaan.
Nabadoono kasoo jeeda beelaha Madhibaan iyo Carabsaalax oo ay kasoo jeedaan Raga la xidhay ayaa xaqiijiyay in dawladdu siidaysay latuhunsanayaasha kadib markii baadhitaan la smaeeyay lagu waayay eedaynta loo jeediyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:00 and have

