daajis.com:- Warbaahinta Maraykanka ayaa baahiyey Fadeexad ku saabsan Ilhaan Cumar iyadoo lagu sheegay in ay walaalkeed Guursatay si ay u keento dalka Mareykanka, guurkaas oo sharci darro ka ah Minnesota iyo diinta islaamka ee ay heysato.
Warbaahinta ayaa soo bandhigay Waraaqahihii Meherka Iyo arooska been abuurka ah oo laga diiwaan geliyay magaalada Minnesota, waxaana ay xaaladu mareysaa meel halis ah, Waxayna arintaan keentay in su’aalo dhowr ah la iska weydiiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Ilhaan oo u dhaxda ninka lagu magacaabo Ahmed Hirsi oo ay guursatay 2002 , ayna u dhashay saddexda caruur ee ay leedahay. (Goormee ayay kala tageen?, sideese guurkooda ku dhammaaday, iyadoo la ogyahay inuu yahay ninka ay hadda ay u dhaxdo ee ku sawiran boggeeda shaqsiga ah).
Guurka labaad waxaa la sheegay inay Ilhaan guursatay Nin lagu magacaabo Axmed Nuur Siyaad Cilmi sanadkii 2009-kii. (ninkan ayaa la sheegay inay walaalo yihiin, sidaasina uu ku tegay Mareykanka isagoo jaamacad ka galay US, kadibna muddo ku noolaa, kuna laabtay UK- Guurkan ayaa u muuqda mid ujeedkiisu ahaa in Ilhaan ay walaalkeed ku heysto mareykanka oo qura).
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have

