DEG DEG: Xiliga la dooranayo Madaxda Cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyey

DEG DEG: Xiliga la dooranayo Madaxda Cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyey

daajis.com:- Guddiga doorashooyinka Somalia ayaa waxay goor dhow ku dhawaaqeen xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo gudoomiyahaa Baarlamaanka.

Shir jaraa’id oo guddigan ay ku qabteen Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen in taariikhdu marka ay tahay 25-ka Bisha Oktoobar la dooranayo Guddoomiyaha Baarlamanka iyadoo 30-ka isla bisha Oktoobar Madaxweynaha Soomaaliya la dooranayo.

Sida guddigu sheegay 24-ka September ilaa 10-ka Bisha Oktoober waxaa la soo dhameystirayaa xubnaha cusub ee golaha Shacabka ee aqalka hoose.

Waxaa sidoo kale aqalka sare la soo gabagabeyn doonaa sida guddigu ku dhawaaqay ugu dambeyn 24-ka September.
Sidoo kale Guddigu waxaa uu ku dhawaaqay in 10-ka Bishan August uu bilaabanayo Olalaha Musharrixiinta doonaya inay qabtaan xilalka sare ee dowladda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada