Gugoomiyii Hore ee Gobolka Banaadir oo Maanta Muqdisho ku Geeriyooday (VIDEO)

Gugoomiyii Hore ee Gobolka Banaadir oo Maanta Muqdisho ku Geeriyooday (VIDEO)

daajis.com:-  Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Duqii hore ee magaalada Muqdisho Marxuum, Axmed Mude Xuseen, kadib markii uu soo wajahay xanuun.

Qoyska Marxuunka ayaa sheegay in Axmed Mude xanuun ku soo booday uu maanta ugu geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho oo lagu daweenayay, waxaana hadda magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada aaska marxuunkan.

Axmed Mude Xuseen ayaa soo noqday Duqii magaalada Muqdisho sanadihii 1958 iyo 1966 dii, waxaana la tilmaamaa in Marxuun Axmed Mude iyo Xasan ABshir Faarax ay yihiin labada ruux oo labo mar Muqdisho duq magaalo kasoo noqday.

Waxa kale oo Axmed Mude Xuseen mar soo noqday Xildhibaan katirsanaa Dowladii hore ee Soomaaliya sanadka markuu ahaa 1969-kii, iyadoo waagaas laga soo doortay Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada