Hiiraan: Sarkaal muhiim ah oo al-shabaab laga dilay

Hiiraan: Sarkaal muhiim ah oo al-shabaab laga dilay

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay la dilay madaxii howlgelinta Ururka Al Shabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan, kadib markii dagaal ka dhacay deegaanka Luuq jeelow lagu dilay Sarkaalkaasi.

Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeshiyaad hubaysan oo taageersan Dowladda Somaliya, Shabaabna dagaal adag kula jira, kuwaasi oo ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka hubaysan ayaa Sarkaalkaan waxa ay ku dileen deegaanka Luuq Jeelow oo ku yaalo Galbeedka Magaalada Baledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdi Cali, wuxuuna Shabaabka u qaabilsanaa howlgelinta ciidamada Shabaabka ee Gobolka Hiiraan, waxaa lala dilay Sarkaalkaan labo kale oo Shabaab ka tirsan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka soo jeeda deegaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay Sarkaalkaasi la dilay inuu dhibaato ku haayay Bulshada deegaanka Luuq Jeelow iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka hubaysan ayaa la sheegay in sidoo kale ay qabteen saddex nin oo nool oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo lagu haayo deegaano hoostagga Deegaanka Luuq Jeelow.

Ilaa hada Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya Gobolka Hiiraan faah-faahin kama aysan bixin dilka Sarkaalkaasi loo geystay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada