daajis.com:- Madaxweynha dalka Ruuska ayaa gantaaladiisa ugu casrisan ee S-400 u diray Jasiiradda ay xooga ku qansadeen ee Crimea oo ka tirsan dalka Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa gantaalada casriga ah ee S-400 ku rakibey jasiiradda, waxa ayna sidoo kale ku hanjabeen inay Ukraine u goynayaan xiriirka Diblomaasiyadeed hadii aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha jasiiradda Crimea.
Maalmihii u danbeeyey ayaa waxaa kor u sii kacayay xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine, iyadoo Madaxweynaha dalka Ruushka uu ku dhawaaqay in ay talaabo ka qaadayaan dalka Ukraine, ka dib markii ciidamo ka tirsan dalkaasi Ukraine lagu eedeeyay inay shaqaaqooyin ka bilaabeen waqooyiga Jasiiradda Crimea.
Dowladda Ukraine ayaa weerarkii afka ahaa ee kaga yimid madaxweyne Putin kaga jawjawaabay in ay heeggan culus gelisey askarteeda ku teedsan xadka jasiiradda Crimea.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at