Madaxweyne Erdogan oo Magaalada Istanbul ka Furay Buundada Ugu Dheer ee Dunida (VIDEO)

Madaxweyne Erdogan oo Magaalada Istanbul ka Furay Buundada Ugu Dheer ee Dunida (VIDEO)

daajis.com:- Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa magaalada Istanbul ka furay Buundada ugu dheer ee Dunida, sheegayna in buundadani ay mushtamaca Turkiga ka caawindoonto isu socodka looga gudbayo marinka Bosphorus-ka.

Buundadan ayaa waxaa halmar isla mari karta Gawaari ku ordaysa 4 wado oo sii socod ah iyo afar wado oo soo socod ah iyo laba wado oo ay Tareenada isticmaalaan.

Qiimaha ku baxay Buundadan ayaa waxaa lagu sheegay lacag gaaraysa ilaa $ 3 Billon oo Doolarka Maraykanka ah, waxaana loogu magacdaray Suldaankii 9-aad ee soomaray Boqortooyadii baaxadda weynayd ee Cusmaaniyiinta ee xarunta taliskoodu uu ku yaalay dalka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada