Sawirada sida foosha xun ee loola dhaqmo muhaajiriinta Somalida

Sawirada sida foosha xun ee loola dhaqmo muhaajiriinta Somalida

daajis.com:- Dhibaatadaani ayaa waxa ay inta badan saameysaa Muhaajiriinta kasoo jeeda dalka Somalia kuwaasi oo badi lagu tuhmo inay heystaan dhaqaale marka la barbar dhigo kuwa kale.

Jir dilka iyo tacadiyada lagu hayo muhaajiriinta ayaa waxaa qeyb ka geysta rag Soomaali ah kuwaasi oo muhaajiriinta u adeegsada Koronto, Bacyo jirkooda lagu gubo, Faraxumeyn iyo tacadiyo kale oo intaa kasii dhib badan.

Muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ayaa waxaa laga qaadaa dhaqaale ka duwan kuwa laga qaado muhaajiriinta kale, iyadoo sababta ugu badan lagu sheegay Soomaalida oo lagu tuhmo dhaqaalo.

Muhaajiriinta qaar ayaa waxaa laga jaraa xubnaha jirkooda, si loogu cabsi galsho kuwa kale, halka qaarkoodna si bareer ah loogu daadiyo badaha.

Dhibaateynta muhaajiriinta Soomaalida iyo kuwa kasoo kala jeeda dalalka kale ee Africa, ayaa waxa ay ka siman yihiin dhibta lagu hayo, balse waxaa ugu daran kuwa Soomaalida.

Soomaalida oo si xad dhaaf ah loogu daadiyo badaha ayaa haddana ah kuwo aan ka khuusan tahriibka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada