daajis.com:- Baadigoob Balaaran oo ay suubiyeen Ciidamada baddd dalka Talyaaniga Hay’adaha Dadka ka badbaadiya badda u dhaxaysa Talyaanihga iyo qaaradda Africa ayaa soo badbbaadiyey Kumanaan qof oo Tahriibayaal ah, ku waasi oo u badnaa dad kasoo jeeda Wadamada Ereteria iyo Soomaaliya.
Hay’adda ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa warmurtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in maalintii shalay ciidamada Badda dalka Talyanaiga oo kaa shanaya doomo kale, soo bad baadiyeen Tahriibayaal gaaraya 6500 oo qof, dadka lasoo bad baadiyay ayaa qarakood saarnaa doonyo ciladoobay.
Howlgalo ay ciidamada Badda Talyaaniga sameeyeen ayaa lagu soo bad baadiyay Kumanaan dad ah oo ay ku jiraan caruur aad u yar yar iyo haween, waxaana dadkan ay kusii jeedeen qaarada Yurub gar ahaan wadanka Talyanaiga oo marin usii ah.
Dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in sanadkan oo kaliya ay soo gaareen dad kor u dhaafaya ilaa 112 000 kun oo badankood ay ka soo galeen dhinaca badda dalka Liibiya, iyadoo tahriibayaashani ay u badan yihii wadamo ay ka socdaan dagaalo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at