Magacyada xildhibaanada iyo wasiirada ku dhaawacmay qaraxa

Magacyada xildhibaanada iyo wasiirada ku dhaawacmay qaraxa

daajis.com:- Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxii maanta ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo albaabka VIlla Somalia.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada weerarka ku dhaawacmay uu ka mid yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Caasho Koos oo ku sugnaa Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jeesow ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac adag waxaana lasoo sheegayaa in iminka la geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka.

Xildhibaan Daahir Amiin ayaa xiliga uu dhaawacmaayay ku sugnaa Hoteelka oo ay ka soctay Munaasabad, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray ilaa Seddex Xildhibaan oo aan iminka magacyadooda la shaacin.

Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan Wasiiro kuwaasi oo iyaguna la dhigay goobaha caafimaadka sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Xildhibaano farabadan ayaa iminka ku sugan isbitaalka Darushifa oo ay ku jiraan dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

La soco wararkeena danbe wixii Qaraxa kusoo kordha.

Xigasho:- Caasimada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada