daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii maanta lagu qaaday Hoteel SYL weyn ee madaxda sare lagu soo dhaweeyo ee SYL, waxayna ku sheegeen in ay weerarkani ay ku beegsadeen Saraakiil sare oo Dowladda ka tirsan.
Hoteelkan ayaa Lagu waday in lagu qabto shirka ay Muqdisho dhawaan ku yeelan lahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD ee dhawaan ku balansanaa inay isugu yimaadaan magaalada Muqdisho.
Qaraxan xoogan oo ahaa mid si weyn u gil gilay magaalada Muqdisho ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay dhismaha Hoteelada SYL iyo Siyaad iyo sidoo kale dhismayaal badan oo ka agdhawaa halka uu qaraxa gaariga ka dhacay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at