daajis.com:- Orordyahanka da’da yar ee Maxamed Daa’uud oo maanta ka qayb qaadan doona tartanka ciyaaraha fudud ee 5000 (shanta Kun )ee mitir ee maanta ka dhacaya magaalada Rio ee dalka Barasil, ayaa waxaa waraystay wariyaha Al-Jazeera uga soo warama Ciyaaraha Olimbikada.
Maxamed oo ay da’diisu tahay 20-jir ayaa ka sheekeeyay xaaladihii uu soo maray iyo tababaradii uu ku soo qaatay dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuusan la lahayn tababare isaga si gooni ah u tababara.
Orodyahanka ayaa sheegay in Ciyaaryahanada ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay ku adagtahay inay helaan tababaro iyo cunto dheeliyiran oo uu jirkooda u baahanyahay, wuxuuna sheegay inay taasi u sii dheertahay Dilalaka iyo Qaraxyada marwalba ka dhaca magaalada Muqdisho.
Wuxuuna Maxamed Tusaale u soo qaatay sida, dalalka kale ay uga taxadaraan ciyaaryahanadooda ka qaybqaadanaya ciyaaraha Olimbikada, oo wax walba ay u baahan yihiin diyaar looga dhigay si ay Focus-ka ama ay diirada u saaraan oo kaliya sidii ay ku hanan lahaayeen Midaaliyada loo tartamayo.
Maxamed Daa’uud ayaa ordi doona 5000 ee mititr galabta saacadu marka ay tahay 16:05 galabnimo ama Toban saac iyo 5 daqiiqo oo galabnimo Waqtiga Geeska Afrika.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:23 and have
