daajis.com:- Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa baajisay socdaal olole oo ay ku tagi lahayd gobolka California kaddib markii uu ku dhacay xanuunka burikiitada.
Clinton ayaa xanuusatay iyadoo ku sugnayd goob Axaddii lagu xusayay sanadguuradii 15-aad ee weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ee New York.
Munaasabadda oon dhammaanin ayay baxday, iyadoo dhinaca gaarigeeda u sii socota ayayna kuftay waxaase garbaha qabtay kaaliyeyaasheeda.
Mrs Clinton ayaa markii dambe lagu arkay guriga gabadheeda oo ku yaalla New York, waxayna weriyayaasha u sheegtay inay “wanaagsan tahay”.
Dhaqtarkeeda, Lisa Bardack waxa ay sheegtay in Hillary Clinton ay xanuunkaasi qaaday Jimcihii, balse ay hadda si wanaagsan uga soo kabanayso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at