daajis.com:- Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen ka gadaal dagaal shalay galinkii danbe ku dhexmaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab.
Dadka dagaalkaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Colonel Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Al Shabaab laba jiho kasoo weerartay Ceelwaaq shalay.
Hadaba wararki ugu danbeeyey ee dagaalkaasi iyo xaalada degmada Ceelwaaq, waxaanu ka wareysanay Col. Warfaa Sheikh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada dowlada ee gobolka Gedo. Wariyaha VOA-da Sahra Cabdi Axmed oo joogta Washington ayuu qadka telefoonka Gedo ugu warramay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:45 and have
, Published at