daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dacwada ee badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan Aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Soomaaliya ay qaadato dowladda Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya ay leedahay badda lagu murmaayo, Wuxuuna Sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.
Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa gaaray magaalada Hogue ee dalka Holland oo maanta ay ka Furmayso Dacwada u dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
