daajis.com:- Marwada 1-aad Dalka, Qamar Cali Cumar, ayaa kulan casho ah u sameysay qoyskii uu ka baxay General Maxamed Cali Samatar, oo 20-kii bishii hore ee August ku geeriyooday wadanka Mareykanka.
Marwada 1-aad Dalka, ayaa markale kaga tacsiyadeysay geeridii naxdinta ee ku timid Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga.
General Samatar, ayaa 25-kii bishii August aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho. Aaskiisa oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada qaarkood, qoyskiisa iyo xubno kale.
Qoyska General Maxamed Cali Samatar, ayaa Marwada 1-aad iyo Madaxda Qarankaba kaga mahadceliyay abaabulka iyo doorkii muuqday ee Madaxtooyadu ku laheyd aaskiisa.
Allaha u naxariistee General Samatar, ayaa darajada ciidanimo ka gaaray Sareeye Guud, waana ninka keliya ee Soomaaliyeed oo darajadaasi ka gaaray ciidanimada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at