daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa Booqday Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Gaalkacyo, wuxuuna ka war bixiyay safaradii uu ku tagay dalalka Ethiopia, Turkey iyo Jabuuti.
Cabdiwali Gaas ayaa sidoo kale u jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo sheegay in Puntland ay ka kooban tahay laba gobol iyo badh, Wuxuuna sheegay in Puntland ay aheyd 5 gobol balse hada ay tahay 9 gobal, Xassan Sheikh Maxamuud na looga baahan yahay inuu kala barto dalka uu Madaxweynaha ka yahay “Puntland hadalka Xassan Sheikh ku waynaan mayso kuna yaraan mayso, 5 gobol ayaa lagu aas aasay, hadana waa 9 gobol “ Ayuu yidhi C.wali Gaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at