Daawo sawirada Arooskii ugu qosolka badnaa oo loo dhigay beeraaley Turki ah

Daawo sawirada Arooskii ugu qosolka badnaa oo loo dhigay beeraaley Turki ah

daajis.com:- Arooskaani aadka u cajiibka badan ayaa waxa uu ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii ay is calmadeen mucaashaqiin kawada tirsanaa beeraaleyda dalkaasi.

Arooska lamaanahaani ayaa waxaa lagu galbiyay dhowr gaari nooca lagu fasho beeraha loona yaqaan ”Cagaf-cagaf” taasi oo lagu muujinaayay in arooska uu yahay mid u dhexeeya beeraaleyda.

Arooska oo ahaa mid galay taariikhda ayaa waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 50 gaari nooca beeraha lagu fasho iyadoo mid kamid ah gaadiidkaasi lagu camiray lamaanaha.

Gaadiidka Cagafta ah ayaa waxaa arooska ku wehlinaayay ilaa Seddex gaari oo ay la socdeen dad shacab ah kuwaasi oo duubaayay arooska taariikhiga ah.

Arooska ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ku dhawaad laba kun oo shacab ah kuwaasi oo badi ahaa kuwo daneynaayay maamuuska arooska.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada