Layaab:- Gabar Weriye ah oo shaqada looga joojiyay sawir laga qaaday

Layaab:- Gabar Weriye ah oo shaqada looga joojiyay sawir laga qaaday

daajis.com:- Weriye ka tirsaneyd taleefishin laga leeyahay dalka Shiinaha oo sawir laga qaaday iyadoo xiran awkiyaalaha qoraxda la isaga celiyo, daladna sidata ayaa shaqada laga joojiyay.

Weriyaha oo aan la sheegin magaceeda ayaa sawir laga qaaday iyadoo wareysiyo ku saabsan duufaanta Typhoon Meranti ka duubaysa dadka ku nool magaalada Xiamen.

Barnaamijyada ay gabadhaasi duubaysay ayaa qeyb ka ahaa sidii gacan looga siin lahaa shacabka magaalada sidii ay uga soo kabsan lahaayeen duufaantaasi.

Muuqaalkeeda wuxuu ahaa mid ka duwan kan dadkii mutadawiciinta ahaa ee ay wareysiga ka qaadeysay, kuwaas oo ka shaqeynaayay nadaafadda kaddib markii duufaanta ay dhammaatay.


Xarunta TV-ga Xiamen, waxa uu warqoraal ah ku sheegay, “Mid kamid ah saxafiyiinteenna umeysan hogaansamin sharciga, wayna ku guuldareysatay inay si wanaagsan wareysiga u qaado.”

“Arrintaasi waxay dhaawacday aragtida weriyayaasi laga qabo, waxayna nagu reebtay saameyn xun oo dhanka bulshada ah.”

Farriimaha baraha bulshada lagu faafiyay, gaar ahaan barta Weibo network ee looga isticmaalo Shiinaha sida Twitter-ka oo kale, waxaa lagu kala qeybiyay muuqaalka iyo dhaqanka weriyaha xilligii ay ka warrameysay duufaanta kaddib.
Sawirrada ayaa aad loo baahiyay, waxaana lagu eedeeyay inaysan xirfad lahayn.

Gabar saxafi ah oo ku sugan Shanghai, oo lagu magacaabo Yijing Lin, waxay sidoo kale la kulantay ficilcelin carol eh. Waxayna BBC-da u sheegtay inay tahay in la fahmo macnaha guud ee la filayo, iyo aragtida ay shacabka Shiinaha ka qabaan saxafiyiinta.

“Uguma yeereen waa hafrid, laakiin ma ahayn inay dhacdo,” ayey tiri.
“Waxaan arkaa dad aanan dooneyn in cagahooda wasakhda ay taabato, taas oo dad badan ay la xiriirinayaan weriyayaasha ka soo warramaya kaddib dhacdo musiibo ah markey dhammaato.”

Xigasho: BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada