daajis.com:- Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Saxaafadda ugu soo bandhigay Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug gaadiidkii ay saarnaayeen Askarta ka tirsan galmudug ee la duqeeyay.
Gaadiidka oo ay ka muuqato Duqeynta lagu garaacay ayaa askartii saarnaa ay geeriyootay, inkastoo Galmudug ay sheegtay tirada askarta inay gaarayaan ilaa 10.
Saxaafadda ayaa la geeyay deegaanka Jeexdin, halkaasi oo Sawiro laga soo qaaday ay muujinayeen Khasaaraha ka dhashay Duqeynta.
Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed, ayaa sheegay gaadiidkii ay la socdeen ciidamadaasi in gabi ahaanba ay basbeeleen, kadib markii Duqeymaha lala dhacay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have
