daajis.com:- Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed oo ku sugan Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal oo ay u maleynayaan in Mareykanka uu leeyahay ay Duqeyeen Saldhig Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Aagga Godod.
Duqeynta ayaa waxaa ku dhintay 10 Askari oo Galmudug ah, waxaana ku dhaawacmay Dhowr iyo Toban kale sida uu Kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo uu sheegay.
Sidoo kale Duqeynta waxaa lagu Gubay Gaadhi Nuuca Dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Galmudug ee Duqeynta lagu qaaday.
Maamulka Puntkand Saraakiil u hadlay waxaa ay sheegeen in ay Al-shabaab kula dagaalameen Bariga Gobolka Mudug, Waxayna Galmudug sheegtay inayna Aagaasi Al-shabaab Joogin, Diyaaradaha Duqaynta Gaystayna la siiyey Warbixin Khaldan oo loogu sheegay inay Aagaasi Joogaan ciidamo ka tirsan Al-shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have
